
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Yuusuf Ahmed Hagar Dabageed ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Safarka madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka 2-aad ee maamulka Hirshabelle, halkaasi oo ay maalmo sii joogi doonaan.
Sidoo kale wefdiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa qeyb ka ah Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabelle.
Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in Magaalada Beledweyne uu tago wafdi ay hogaaminayaan madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaaawe iyo Gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi.