Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay doorashada Mareykanka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Joe Bidden iyo Kamala Harris ugu hambalyeeyey guushii madaxtinimo ee doorashadii Mareynkanka ay ka soo hooyeen.

Madax badan oo caalamka ah ayaa dhambaallo hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Bidden.

Marka laga soo tago hambalyada Madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaaraaha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa iyaguna dhambaaladooda hambalyada ah u diray Mr. Joe Biden.

Dhinaca kale madaxweynihii hore Donald Trump ayaa weli diidan in laga guuleystay, isagoon wax arintaas cadeynaayo aan soo bandhigin