Madaxweynaha Puntland oo qasriga madaxtooyada Garoowe ku qaabilay safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaraddaasi.

Madaxweyne Deni iyo Danjire Mr. Staffan Tillander ayaa ka wadahadlay Mashaariicda ay dalka Sweden ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxa uu ku bogaadiyey Madaxweynaha dadaalkiisa iyo doorka ay Puntland ka qaadato markasta arrimaha Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email