Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay mashariic muhiim ah

Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Galmudug ayaa madaxweynuhu ku saxiixay shuruuc muhiim ah oo kala ah:-

Shariga Maarreynta Deegaanka, Sharciga Hay’adaha, Sharciga Dhismaha Booliiska iyo Sharciga Dowalaha Hoose.

Shuruucdan waxaa soo diyaariyey wasaaradaha kala ah; Deegaanka, Qorsheynta, Amniga, iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha& Dowlaha hoose.

Munaasabadda saxiixa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka DGM, Guddoomiyaha Barlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka, Xubno ka tirsan labadda gole, Garsoorka, La- taliyeyaal & Hawlwadeenno ka tirsan Madadaxtooyada.

Madaxweynuhu wuxuu Golaha Barlamaanka iyo wasiiradda Galmudug uga mahadceliyey ansixinta shuruucdan. isagoona xusay in shuruucdu ay gundhig u noqondoonto in sifo sharci ah xukuumaddu u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday.

Xorriya.com

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email