Maamulka Somaliland oo musharax Mustaf Dhuxulow kasoo musaafurisay magaalada Hargeysa

Maamulka Somaliland ayaa saakay Musharax Madaxweyne Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow kasoo musaafurisay magaalada Hargeysa, kadib markii ay shalay xayireen.

Ciidamada Amniga Somaliland oo ka war heley in mas’uulkan ka mid yahay xildhibaannada Soomaaliya ayaa kansalay dal-kugalkii uu watay oo la sheegay in hay’ad Jarmal ah Somaliland ay martiqaad u fidisay.

Musharax ayaa lagu wadaa inuu dhowaan kasoo dego Garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo la socda diyaarada Africa. Socdaalkiisa magaalada Hargeysa uu dhaliyey su’aalo badan oo ku saabsan sababta keentay iyo xilliga lagu soo beegay.

Xorriya Online