Maamulka koonfur galbeed oo ku raad joogo rag hubeysan oo dab qabadsiisay gawaari xamuul ah

Maamulka gobolka Bakool ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ku dabo jiraan rag hubeysan oo xalay dab qabad siiyay todobo gaari oo kuwa xamuulka ah oo siday badeecado kala duwan tuullada la yiraahdo Emed Kooreey oo ku dhaw Qurac Joome.

Gaadiidkan ayaa alaabo ganacsi ka qaaday magaadalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxayna ku socdeen magaalada Xudur.

Dabley la aaminsanyahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ayaa saqdii dhexe gaadiidkan weeraray isla markaana dab ku qabtay.

Alshabaab ayaan ogoleyn in gawaarirada ganacsi u gudbaan magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM.

Isha: Bbc