Ma runbaa in Turkiga iyo Pakistaan diyaar u yihiin dagaal lagu xoreenayo Kashmir

Erdogan iyo Imran Khan Madaxweynayaasha Turkiga iyo Pakistaan ayaa lagu tilmaamayaa labada hogaamiye oo si fican iskula jaan qaaday islana fahmey nuhiimada ay leedahay inay danahooda ku dabaqaan danaha islaamka ee balaaran.

Waa labo hogaamiye oo Suni islaam Ah, dhawaan waxay kasoo dhex muuqdeen ka hortaga falalka Islaam Nacaybka, waxay Kaloo Kasoo Muuqdeen Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia iyagoo tageeraya Dhanka Dalka islaamka ee Azerbaijan iyo Waliba Dhamaan Khilaafadyada Ka Dhanka Labada Dal oo Si isku Mid Ah Uga Hortagayaan.

Labada Madaxweyne ee Erdogan Iyo Khan Waxaa Khudbadahooda Kasta Si isku Mid Ah Ay Uga Hadlaan Xiliyadani Danbe,Xaaladaha islaamka Sida Libya ,Soomaaliya,Yeman,Kashmir Iyo Meelo Kale.

Maanta Nagorno-Karabakh, Barina Kashmir” Waa ereyga maanta Qabsatay Twitter-ka, Iyadoo Warbaahinta Aad Uga Faallotay.

Turkiga iyo Pakistan waxay sii wadayaan inay soo bandhigaan mowqif mideysan oo ku saabsan Siyaasad badan oo caalami ah, waxay ku kordhiyeen xiriirkooda Hada Mid milatari Heer aan horay loo arag, Turkiga ayaa si buuxda u taageeray Pakistan mowqifkeeda Kashmir ee ku saabsan Arimaha caalamiga ah, xitaa UN-ka, isagoo Turkiga ku booriyay Hindiya inay khilaafka ku xalliso rabitaanka Kashmir, maadaama Pakistan ay Sidaasi Rabto.

Xorriya Online