Loollanka dowladaha Khaliijka ee arimaha doorashada Soomaaliya

Loollanka dowladaha Khaliijku ugu jiraan haddii ay u suuragasho taageeridda & soosaarashada madaxweyne fuliya siyaasadahooda ku wajahan Soomaaliya si gaar ah islamarkaana kaalin ka qaata hirgelinta masaalixdooda gobolkaba si guud, sir ma aha hadda iyo wixii ka dambeeya.

In aan arrintu sir ahayn waxa muujiyey casuumaadda ay Abu-Dhabi u fidisay dhowr kamid ah musharraxiinta ugu dhaqdhaqaaqa badan ee olelaha doorshada madaxtinimada Soomaaliya 2021, dhanka kale waxa taagan dowladda yar ee Qatar oo sida falanqeeyeyaashu fahamsan yihiin taageereysa madaxweynaha xilkiisu gabaabsiga yahay sidaas oo kalana uu jiro dareen ku aaddan in ay ka fikireyso musharaxiin kale oo noqon kara xulasho labaad ama saddexaad!

Kuwaas oo ay uga danleedahay si aanay meel cidlo ah ugu soo dhicin, Dooxa waxa ay xusuusan tahay kaalintii ay Soomaaliya ka qaadatay caawinta Qatar markii 4 dowladood oo Carab ah ay cunaqabateyn xannuun badan dul-dhigeen guud ahaan xiriirka caalamiga ah ee Qatar islamarkaana ay su’aal geliyeen kaalinta Qatar ee gobolka, waagaas waxa ay ku eedeeyeen in ay tahay Dal argagixso kalkaal ah oo gobolka Khiliijka & geeska Afrikaba kawada deganaansho la’aan.

Dhaqanka siyaasdeedda doorashooyinka Soomaaliya ee soo jireenka ah waxa uu dhigayaa in muddo xileedka madaxweyne kastaa yahay hal mar sidaas awgeedna kuma jirto dhaqanka iyo caadada doorashooyinka Waddanka in madaxweynaha hayaa xilku uu helo muddo xileed kale umana sahlana fursad iyo galaangal kale oo uu ku heli karo dib u doorasho marka laga reebo nidaamkii kalitaliska ahaa oo kudhisnaa aragtida Nin doorran doorta, taasina waxa ay daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya tuseysa in aysan xoog badan gelin saaxiibadii la soo qariibay Afarta sano.

Xorriya Online