Kulamo xal raadin ah oo ka socda magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, Dabageed ayaa kulamo kala duwan ka wada magaalada Beledweyne, kuwaas oo looga hadlayo sidii madaxweynaha Hirshabeelle uu ku tegi lahaa Beledweyne.

Maleeshiyaad uu hoggaaminayo Sarkaal lagu magacaabo Cali xuud oo kamid ahaa musharixiintii ka haray tartanka doorashooyinka Hirshabeelle oo ku sugan degaanka Ceelgaal ayaa waxaa ay kasoo horjeedaan in madaxweynaha Hirshabeelle uu tago magaalada Beleweyne.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa kulamo la leh maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada iyo odayasha dhaqanka si Cali Guudlaawe uu nabadgelyo ugu yimaado Beledweyne.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in sarkaalka ku sugan degaanka Ceelgaal iyo maleeshiyaadka uu wato ay ka biyo diideen dalabka Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelele, iyaga oo sheegay in doorashadii ka dhacday Jowhar ay aheyd mid la musuq maasuqay.

Kulamada ayaa weli ka socda Beledweyne, iyada oo madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar uu dadaal ku bixinayo in Beledweyne uu tago madaxweynaha Hirshabeelle si loo qabto munaasabadda Caleemo saarka madaxda Hirshabeelle.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email