Kulamo gaar gaar ah oo caawa Muqdisho ku dhex-maray murashaxiinta xilka madaxweynaha

Qaar ka mid ah musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa caawa kulamo kala gaar gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulamadaa ayaa waxa ay dhex mareen Madaxweynihii hore ee Soomaalia Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, halka Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu la kulmay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa caawa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Shariif Sh. Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, iyagoo ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashada.

Kulamadaan ayaa waxaa intooda badan la isku dhaafsaday fikrado la xiriira doorashada uu haatan khilaafku hareeyey ee la qorsheeyey inay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Kulamadan gaargaarka ah ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan iyadoo maalinta berri ah la qorsheeyay in kulan saddex cisho ah uu ugaga furmo caasimada dalka inta badan musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.