Ku-simaha xoghayaha difaaca Mareykanka oo maanta booqasho lama filaan ah ku yimid Soomaaliya

Ku-simaha Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Christopher Miller ayaa Jimcaha maanta ah booqasho aan horay loo sii shaacin ku yimid Soomaaliya, tani oo ah booqashadii ugu horeysay ee xoghaye gaashaandhig Mareykanka ah uu ku yimaado Soomaaliya.

Waa lugtii ugu dambeysay ee booqasho uu Miller ku tagayo afar waddan ee safarkiisan oo ah kii u horreeyey ee dibadda ah tan iyo markii uu Madaxweyne Trump xilkan u magacaabay toddobaadyo ka hor.

Miller ayaa ku sugnaa saacado kooban oo kali ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, isagoo la kulmay qaar ka mid ah ciidamadii Mareykanka ee halkaas ku sugan, kadib markii uu ka kicitimay xerada militariga Mareykanka ee Camp Lemonnier ee dalka deriska ah ee Jabuuti.

In kastoo saraakiisha Pentagon-ku ay sheegeen in ujeedada safarku ay tahay in ay la kulmaan ciidamada inta lagu guda jiro munaasabadda Thanksgiving-ka ama mahadnaqqa, waxa ay booqashadani kusoo beegmaysaa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in maamulka Trump uu qorsheynayo in uu Soomaaliya kasoo saaro ku dhowaad 700 ama dhammaan askarka Mareykanka ah ee hadda ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo caawimaad siiya ololaha ka hortagga argagixisada ee Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa tababara isla markaana la taliya ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab oo ah kooxda ugu weyn ee ka tirsan Al-Qaacida.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email