Kheyre oo saaray bayaan la xiriira sida uu u arko guddiyada doorashada dowladda federaalka

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray bayaan daba socda qoraalkii ay ku mideysnaayeen isaga iyo musharaxiin kale, kaas oo ay walaac uga muujiyeen guddiyada ay dowladdu magacaawday doorashada dalka.

Kheyre ayaa qoraalkiisa ku sheegay in mar kale uu ku celinayo inay lagama maarmaan tahay in doorashada dalka u dhacdo ‘si xor ah, xasilloon, wadar-oggal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta’.

“Sidii aan uga sheegay shirarkii Golaha Wasiirrada ee 10-kii May iyo 9-kii July 2020ka, inta xilka aanan iska casilin ka hor, waxaa lagama maarmaan ah inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah, xasilloon, wadar-oggal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta” ayuu qoraal uu soo dhigay bartiisa gaar ah ee Facebook-ga ku yiri Kheyre.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Haddaba, waxa aan maanta oo taariikhdu tahay 10-ka November 2020 caddaynayaa inaan ka mid ahay musharrixiintii saxiixday war-murtiyeedka ku taariikhaysan 10/11/2020 ee cinwaankiisu yahay “Mawqifka iyo Go’aanka Musharrixiinta Madaxweynenimada Soomaaliya ee ka qaybgalka doorashada 2020/21, taas oo aan walaac uga muujinnay qaabka Dowladda Federaalku u maamulayso doorashada iyo guddiyada loo qorsheeyey in ay doorashada maamulaan.”

Waxuu sheegay inay sax aheyn in xubno ka tirsan ciidanka ammaanka lagu soo daro guddiyada doorashada dalka.

“Aniga oo aaminsan in ciidamada amnigu ay hayaan shaqo qaran oo aad muhiim u ah ayna naga mudan yihiin sharaf iyo karaamo, hadana sax ma aha inay ka mid noqdaan guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka” ayuu ra’iisul wasaarihii hore ku yiri qoraalkan.

Ugu dambeyntii Kheyre ayaa talo ahaan u soo jeediyey “Waxaan aaminsanahay guddiga maamulaya kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland in loo maareeyo qaab wadar-oggol ah, qaddarin leh, waafaqsanna heshiiskii DFS iyo Maamul Goboleedyadu ku gaareen Muqdisho 26-kii September 2020.”

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email