
Inta la xaqiiyey 2 ruux oo kalluumeysato Yemeniyiin ah ayaa ku geeriyooday, halka 4 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, kadib roob dabeylo watay oo xalay ku dhuftay deegaanka Xaafuun ee gobolka Bari ee amamulka Puntland.
Wararka halkaas laga helaayo ayaa sheegaya in guryo badan ay dumeen, iyadoona inta badanna guryaha magaalada saqafkii ay kala tagtay dabaysha.
Magalaada Hurdiya oo aan ka fogayn Xaafuun badda ayaa ku soo kacday, dadkiina waxay u barakeceen bannaanka magaalada.
Doonyo kalluumeysi ayaa sidoo kale kusoo caariyey goobahaas, qaar kalena badda ayaa la tagtay.
Roobka xoogan ayaa xalay iyo saaka ka da’aya gobollada Bari , iyo Sanaag.
Roobkan dabeysha culus wata ayaa kusoo aadaya xilli shalay ay wasaaradda Gargaarka iyo maareynta xakuumadda federaalka Soomaaliya ay digniin kasoo saartay arinkan.