Kenya oo ka jawaabtay go’aankii ay Soomaaliya ku eriday safiirkeeda

Go’aanka Soomaaliya ayaa yimid ayada oo dowladda federaalka ay Kenya ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay madaxweynaha Jubaland la kaashaneyso sidii ay u fashilin laheyd heshiiskii doorashada.

Haddaba dowladda Kenya ayaa jawaab kooban ka bixisay go’aankii ay xalay dowladda federaalka Soomaaliya ku ceyrisay safiirkii Kenya ee Muqdisho, uguna yareetay midkii Soomaaliya ee Nairobi.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation in Kenya “ay ka xun tahay” go’aanka ay dib ugu u yeeratay safiirkeeda, wuxuuna ballan-qaaday in labada dal ay arrintan uga wada-hadli doonaan hab diblomaasiyadeed.

Waxaan arrintan uga jawaabi doonnaa marinnada rasmiga ah, sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Mr. Kamau.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email