Jadwalka doorashada guddoonka baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle oo lasoo saaray

Guddiga doorashadda gudoonka golaha Wakiiladda Hirshabeelle ayaa shaaciyay Jadwalka doorashadda waxa ayna sheegeen in godoonka la dooranayo maalinta arbacada oo ku beegan 4 November 2020.

Jadwalka ayaa u qornaa sidaan hoos idinkaga muuqata.

Jadwalka ayaa kusoo aadaya iyada oo magaalada Jowhar laga soo sheegayo cabasho la xiriirta musuqmaasuq iyo wax isdaba-marin lagu sameeyay soo xulay Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle, iyadoo laga taggay shaqsiyaadkii ay duubabka dhaqanka beelaha qaarkood u soo xusheen oo lagu badalay xubno kale oo taageersan qaabka xukumadda u wado doorashadda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo axad ah gaaray magaalada Jowhar ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Hirshabeelle,iyadoo maalintii shalay lagu dhaariyay xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle.


Socdaalka Sheekh Shariif ayaa imanaya xili Hirshabeelle isku diyaarineyso doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweynaha dowlad gobolleedka oo dhinac ah marka la eego sida dowladda dhexe saameyn weyn ugu leedahay.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda hab maamulka dowladda uu madaxeynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana dad badani ay qabaan in socdaalkiisa Jowhar uu salka ku heyo aragti ka duwan tan dowladda ay ku wajaheyso dhismaha Hirshabeellada cusub.

Xorriya.com

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email