Itoobiya oo rusqaddii shaqada kala noqotay Reuters una digtay Bbc-da

Dowladda Itoobiya ayaa rusqaddii shaqada kala noqotay wakaaladda wararka Reuters, halka ay sidoo kalena u digtay warbaahinta BBC iyo DW Germany.

Sababta arintaan ayay dowlada Itoobiya ku sheegtay xog aan jirin oo ay Faafiyeen.

Dhacdadaani ayaa waxay hoos usii dhigi doontaa xogta laga helaayo xiisadda colaadeed ee u dhaxeysa dowladda Itoobiya iyo xoogagga deegaanka Tigray.

Caga-jugleynta warbaahinta qaar iyo ceyrinta wakaaladda wararka Reuters ayaa sii yareyn doonta wararka yaryar ee kasoo dusa Itoobiya madaama isgaarsiinta iyo internet-ka goobaha dagaalka uu ka socda toddobaadkii labaad uu go’an yahay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email