Itoobiya oo gacanta ku dhigtay hub farabadan

Booliska magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub iyo banbaanooyin si sharci daro ah lagu heystay .

Baaritaano ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada ayey sheegeen in 113, isugu jira qoryo iyo bistoolado ay ka heleen degmada Nefassilk Lafto ee ka tirsan Addis Ababa.

Hubkan ayaa boolisku tilmaameen in laga helo guryo iyo xafiisyo kala duwan oo xaafadaasi ku yaala.

55 qori oo ah nooca AK-47 iyo 19 garneyl oo kuwa gacanta ah ayaa ka mid ah hubka la qabtay.

Sidoo kale booliska waxa ay sheegeen in ay qabteen $64,000 .

Booliska ma sheegin dad ay soo qabteen oo arintan lala xiriirinayo inta ay ku guda jireen howlgalka qorsheysan ee hubka lagu soo helay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email