Ilhan Cumar oo qoraal ay soo saartay runta ugu sheegtay maamulka Israel

Ilhan Cumar oo markale dib loogu doortay xubinimada Congress-ka Mareykanka ayaa doorashadeeda kadib, cambaareyn xoogan u jeedisay maamulka Israel oo maalmihii dambe burburin ka waday dhulka Falastiin.

Ilhan oo qoraal kooban soo saartay ayaa sheegtay inay Israel dhibaato ku heyso dadka Falastiiniyiinta ah, islamarkaana ay burburisay guryo ay daganaayeen dad rayid ah.

Sidoo kale waxa ay ku eedeysay Israel inay xad-gudub weyn oo dhambi ah ka geysaneyso daanta Galbeed.

Waxaa sidoo kale intaasi raacisay, hadii Mareykanka uu ka aamusu tacadyadaasi inuu qeyb ka noqonayo dambiyada caalamiga ah ee la galayo

Waxa socda waa xadgudub weyn oo dambi ah haddii Maraykanku ka aamiso waxay la mid noqoneysaa iney ka qeyb qaadaneyso dambiyada caalamiga ah ee la galayo.” ayay tiri Xildhibaan Ilhan Cumar oo qoraal soo saartay.

Si kastaba Ilhan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa marar badan qalabka warbaahinta ka weerartay maamulka Israel oo siyaasad ahaan isku hayaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email