Ilhaan Cumar oo markii ugu horreysay ka hadashay xiisada dagaal ee dalka Itoobiya

U.S. Representative Ilhan Omar

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xiisada dagaal ee dalka Itoobiya.

Qoraal kooban oo ay soo saartay Ilhaan Cumar ayaa waxay uga hadashay dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF ee waqooyiga Itoobiya.

Ilhaan Cumar ayaa Maamulka Abiyi ku eedeysay in nooc kasta oo dagaal ah ay ka fulisay deegaanka Tigray.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in dagaalladaasi ay ka dhasheen khasaare lixaad leh iyo barakaca dadka shacabka ah.

Dowladda Itoobiya waxay xirtay kuwii kasoo horjeeday, waxay ku hanjabtay duqayn, waxayna nooc kasta oo dagaal ah la gashay mid kamid ah gobolladeeda gaar ahaan Tigray”. ayey tiri Ilhaan Cumar.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli dagaalka ka socda gobolka Tigray uu sii xoogeysanayo, waxaana duqeymo iyo dagaallo ay ka socdaan waqooyiga Itoobiya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email