Hoggaamiyaha Tigraay oo markii ugu horeyse qiray iney dowladda magaalooyin ka qabsatay

Hoggaamiyaha TPLF ee mas’uulka ka ah maamulka deegaanka Tigraay Dr Debretsion Gebremichael wuxuu qirtay in magaalooyin laga qabsaday, balse wuxuu beeniyey sheegashada dowladda ee ah iney ciidamadiisa guul darro wajahayaan.

Debretsion wuxuu si cad uu ugu gacan seydhay baaqi Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ee ahaa iney ilaa iyo Arbacada ugu dambeyn xoogagga TPLF dowladda iisu soo dhiibaan.

Hoggaamiyaha TPLF waxaa kale uu sheegay shacabkiisu iney diyaar u yihiin iney u dhintaan difaacidda xuquuqda ay u leeyihiin iney deegaankooda iyagu maamulaan.

Iyadoo ay weli jirin ilo madax bannaan oo xaqiijinaya xogaha rasmiga ah ee ku saabsan dagaalka socda, haddana labada dhinac uu dagaalka dhex marayo waxay warbaahinnadoodu ka baahiyaan dacaayado dagaalka salka ku haya.

In kabadan 40,000 oo qof oo dagaalkaasi ka qaxay ayaa gaadhay dalka Suudaan ee Itoobiya deriska la ah.

Qaar badan oo ka mid ah dadka dagaalkaasi ka soo qaxayna waxay sheegeen iney ka soo carareen duqeymaha iyo toogashada dadka lagu beegsanayo.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed xoogagga TPLF wuxuu ugu baaqay seddex maalmod oo Arbacada ku eg iney si nabad ah dowladda isugu soo dhiibaan, isaga oo sheegay iney ciidamadiisu magaalada Maqale ay hareereeyeen ayna dhici karto wajiga seddexaad ee ugu dambeeyey dagaalka inuu billowdo.

Abiy Axmed wuxuu hoggaanka Tigraay uu u sheegay in la marayo “meel aan laga noqon karin“.

Dowladda dhexe ee Itoobiya waxay sheegtay ciidamadeeda toddobaadki hore iney qabsadeen magaalooyin muhiim ah. Balse waxaa adag in la helo ilo madax bannaan oo xaqiijiyo guusha ay dowladdu sheegatay maadaamaa ay weli taleefoonnada iyo interneetka deegaankaasi ay go’an yihiin tani iyo marka uu dagaalkaasi billowday.

Isha Warkaan: Bbc

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email