Hogaamiyaha TPLF oo ku sugan magalada Juba iyo dagaalkii Tigray oo dib u laba qarxay

Hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa shaaciyey inay ciidamadiisa soo rideen diyaarad dagaal oo ay Itoobiya leedahay, isla markaana ay gacanta ku dhigeen duuliyihii waday.

Sida uu fariin ugu sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, waxaa diyaaradda lagu riday aagga Abi Adi, waxaan telefishanka Tigray uu shaaciyey muuqaallada Duuliyaha, iyadoo ay u muuqato inuusan dhammaan dagaalka Tigray sida uu sheegay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Hoggaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael ayaa sidoo kale sheegay inay dib u qabsadeen magaalada taariikhiga ah ee Aksum ee Gobolka Tigray oo ciidamada Itoobiya ay shalay kala wareegeen.

Hogaamiyaha TPLF, Debretsio iyo Madaxweynaha Masar, Abdifitah Al-siisi ayaa kuwada kulmay Magalada Juba ee Xarunta Koonfurta Sudan.

Sidoo kale Safiirkii Itoobiya u fadhiyay South Sudan ayaa kasoo baxay Juba Sabtidii.

Itoobiya ayaa sadex cisho uqabatey iney dalka kaga baxaan Dublomaasiyiinta South Sudan ujooga Magalada Addis ababa.

Khilaafkan soo kala dhexgalay Juba iyo Addis Ababa ayaa loo sababaynayaa Hogaamiyaha TPLF, Debretsion oo ku sugan Magalada Juba ee Xarunta Koonfurta Sudan.

Xorriya Online