Hassan Rouhani oo ku eedeeyey ‘calooshood u shaqeystayaal’ Israa’iil in ay dileen saynisyahankii ugu sarreeyey Iran

Dilku … wuxuu muujinayaa cadowgeenna rajo beel iyo nacaybkooda qoto dheer,’ ayuu yidhi Rouhani [Faylka: AFP]

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa ku eedeeyay Israel in ay dishay nin reer Iran ah oo aad ugu xeel dheeraa cilmiga barnaamijka nukliyeerka oo reer galbeedku inbadan ka shakiyeen inuu ka dambeeyay soo saarista qarsoodi ah ee nukliyeer Iran, sida uu wariyay TV-ga Dowladda.

Mar labaad, gacmaha shart ah ee isla-weynida adduunka waxaa lagu wasakheeyey dhiigga calooshood u shaqaystayaal mucaawimada ah ee Saxyuuniyadda,” Madaxweyne Hassan Rouhani ayaa ku yiri hadal uu soo saaray, sida lagu sheegay warbixinta TV-ga dowladda Sabtidii.

Dilkii shahiid [Muxsin] Fakhrizadeh wuxuu muujinayaa rajo xumada cadawgeena iyo qoto dheerida nacaybkooda… Shihiidnimadiisa ma gaabineyso guulihii aan gaarnay.” Ayuu ku sheegay qoraalkiisa.

Taliyayaasha militariga Iran ayaa ku hanjabay aargudashada dilkii jimcihii loo gaystay Saynisyahankii Nukliyeerka Fakhrizadeh, oo warbaahinta Iran ay sheegtay in uu ku dhintay isbitaalka ka dib markii raggii soo weeraray ay ku dhex dileen gaarigiisa Ab-Sard, oo ah xaafad ku taal bariga Tehran.

Sawir gacmeed uu diyaariyay TV-ga dowlada Iran ayaa muujinaya qasaaraha ka dhashay weerar lala beegsaday gaari uu lahaa saynisyahan Iran u dhashay oo la yiraahdo Mohsen Fakhrizadeh meel u dhow caasimada Tehran.

Hogaamiyaha sare ee jamhuuriyada Shiicadah ah Ayatollah Ali Khamenei ayaa balan qaaday inuu ka aargudan doono cidii ku lug leheed dilkii Fakhrizadeh wuxuuna sheegay in shaqadiisa nukliyeerka ay sii socon doonto.

Wuxuu ku baaqay in la ciqaabo dambiilayaasha, qoraal uu ku daabacay boggiisa, Khamenei wuxuu ku sheegay in saynisyahanku “u shahiiday dambiilayaal iyo calooshood u shaqeystayaal arxan daran”.

Marka la eego dilka, Khamenei wuxuu sheegay in mas’uuliyiinta Iran ay tahay in ay si dhab ah uga fiirsadaan oo ay dabagal ku sameeyaan laba arrimood.

Midda hore waa dabagalka dambigan oo si cad loo ciqaabayaa dambiilayaasheeda, iyo tan kale, iyadoo la raacayo dadaalka cilmiyaysan iyo farsamada ee shahiidka dhammaan qeybihii uu ka shaqeynayay,” ayuu yiri.

Fakhrizade oo 63 jir ah wuxuu xubin ka ahaa ilaalada kacaanka Iran wuxuuna khabiir ku ahaa soo saarista gantaalada. Wuxuu madax ka soo noqday ururka hal abuurka difaaca iyo cilmi baarista ee wasaarada difaaca ee Iran.

Raiisel wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu wuxuu si gaar ah ugu xusay Fakhrizadeh magac ahaan bandhigii 2018 ee kusaabsanaa barnaamijka nukliyeerka Iran. “Xusuusnow magacan,” ayuu yiri.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Iiraan Javad Zarif ayaa sheegay in ay jiraan cadeymo tilmaamaya ku lug lahaanshaha Israa’iil ee dilka, laakiin ma cadda cidda dhabta ah ee fulisay duqeynta.

Safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay, Majid Takht Ravanchi, ayaa warqad u qoray xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres iyo golaha amaanka ee qaramada midoobay jimcihii in dhowr saynisyahano sare oo reer Iran ah lagu dilay “weeraradii argagixiso” tobankii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna ku yiri ” dalalka shisheeye qaarkood”ayaa mas’uul ka ahaa.

Dhimashada Fakhrizadeh waxa ay kicin kartaa iska hor imaad dhexmara Iiraan iyo kuwa ka soo horjeeda todobaadyadii ugu dambeeyay oo uu ugu horeeyo Mareykanka ee Donald Trump iyadoo ay sii murjineyso dadaal kasta oo Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden uu dib ugu soo nooleynayo diblomaasiyadda Iiraan.