Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo farriin u diray Madaxweyne Farmaajo

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in si wadajir ah looga wada qeyb qaato sidii markale Wabiga Shabeelle uusan fatahaad uga geysan Magaalada Beledweyne, si Bulshada Magaalada ku nool aysan u barakiciin.

Cali jeyte Cismaan Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ka maamul ahaan ay kaalintooda ka qaadan doonaan dhismaha Kiliga dhagax Jabis si uu Biyaha Magaalada uga celiyo, waxaana uu Madaxweyne Farmaajo uu ugu baaqay in ay kaalin ka geystaan ka hortaga fatahaada Wabiga Beledweyne

Ugu dambeyn Shacabka ku nool Magaalada beledweyne ayuu sheegay in aysan ku baraarugsaneyn khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhasha fatahaada Wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyne.

Wabiga Shabeelle ayaa sanad walba tira laba jeer ah waxaa uu fatahaad ka geystaa Magaalada Beledweyne, waxaana fatahaada ka dhashay khasaaro nafeed, mid hantiyadeed & barakaca kumanaan qoys.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email