Golaha shacabka oo ansixiyay xubnaha guddiga adeega garsoorka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Maanta Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku yeesheen kulanka 6-aad Kalfadhiga 8-aad Golaha, iyaga oo la horgeeyay Guddiyada Golaha Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa..

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac waxaa uu Golaha Shacabka u gudbiyay xubnaha guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.

Intaasi, kaddib Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa Cod Aqliyabad leh ku ansixiyey Xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka, iyada oo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Garsoorka XFS Cabdulqaadir Maxamed Jaamac uu Ansixinta kadib u Mahad celiyey Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa ayaa waxaa horay u meelmariyay Golihii wasiiradii xil-gaarsiinta, iyadad oo mas’uuliyiin ay kamid yihiin Ururka Qareenada Soomaaliyeed ay sharci darro ku tilmaameen.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mariyay aqrinta 3-aad Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka, waxaa loo qeybiyay sidoo kale Qoondaha miisaaniyadda 2021.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email