Golaha Midowga Murashaxiinta oo jawaab culus ka bixiyay hadalkii shalay ee Cumar Finish

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa si kulul u cambaareeyay hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid colaad hurin ah, ayna dhab ku qaadanayaan hanjabaada Guddoomiyaha ay tahay farriin ka timid Madaxweyne Farmaajo, toosna ugu socota xubnaha Musharaxiinta.

Sidoo kale Goluhu ayaa sheegay inay u cadaatay in hoggaanka dowladda uu adeegsanayo tabihii Al-Shabaab ee xalaaleysiga dhiigga shacabka, iyadoo diin la adeegsanayo.

Qoraalka golaha oo goordhaw nasoo gaaray ayaa u qornaa sidaan:

Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu dhab u qaadanayaa hanjabaadda Guddoomiyaha Gobolka in ay tahay farriin ka timid Madaxweyne Farmaajo toosna ugu socota xubnaha Midowga Murashaxiinta, wuxuuna caddeynayaa in Madaxweyne Farmajo uu qaadayo mas’uuliyadda natiijada ka dhalata falka colaad hurinta ah ee ay xukuumadiisu ku hawlan tahay“.

Halkan hoose ka akhriso jawaabta hadal Cumar Finish ee Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Hadalkii Cumar Finish Adiga Sidee Kula Muuqday?

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email