Galmudug oo heshiis lagu dhisayo dekedda Hobyo la saxiixatay shirkad xarunteedu tahay London

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa heshiis taariikhiya oo lagu dhisayo dekedda Hobyo la saxiixatay Shirkadda Oriental oo ah Isbahaysi ka kooban Seddex Shirkad oo Turkey, Ingiiriis iyo Soomaali ah.

Heshiiskan ayaa waxaa dhinaca Galmudug u saxiixey Wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug, Cabdi Saabir Nuur, halka Shirkadda Oriental ay metelayeen shirkadaha kala ah Crom LTD, Hobyo Invesment LTD, Indian Ocean Holding LTD.

Waxa madasha lagu saxiixay heshiiskaasi goobjoog ka ahaa Shirkadda Holman Fenwick Willan (HFW) oo ah sharciyaqaano ku takhasusay arrimaha Badda oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska, oo kala talinaya dhinaca Sharciga maamulka Galmudug.

Shirkadda Oriental oo saldhigeedu yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay Wasaaradda dekedaha iyo kalluumeysiga Galmudug la gaartay heshiiskan, kadib markii bilihii ugu dambeeyey kulamo kala duwan ay la qaateen wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradaasi.

Heshiiskan kadib ayaa waxaa la filayaa in dalka ay soo gaaraan dhamaadka bishaan koox sahan ah oo ka socota shirkada Oriental, kuwaasi oo darsi doona qaabka loo bilaabayo dhismaha Dekadda Hobyo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay heshiiskan.

Wasiir Cabdi Saabir Nuur oo isaguna ka hadlay saxiixa heshiiskan ayaa ugu horeyntii bogaadiyey, isagoona sheegay in wajiga labaad ee heshiiskan uu bilaaban doono Bisha Maarso 2021.

Waxaa xaqiiqo ah in dhismaha Dekedda Hobyo ku soo kordhin doonto isbedel dhaqan-dhaqaale oo muuqda nolosha Maalaayiinta ku nool Galmudug iyo dowlad-goboleedyada la deriska ah,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay wasiir Saabir.

Heshiiska dhismaha Dekedda Hobyo ayaa la rumeysan yahay inuu abuuri doono fursado shaqo, ganacsi oo horseeda isbedel dhaqan-dhaqaale oo muuqda, saameyn toos ah ahna ku yeelan doono nolosha Maalaayiinta ku nool Galmudug iyo dowlad-goboleedyada la deriska ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email