Faahfaahinta qarax qasaaro xoogan geystay oo ka dhacay magaaladda Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay xalay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxana la helayaa warar kala duwan oo ku aaddan Qaraxa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Guri ku yaalla Xaafadda Cali Kamiin ee Degmada Warta Nabadda uu ka dhacay Qaraxa Khaasaaro dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay.

Guri uu degganaa Askari ka tirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya ayaa la sheegay in Qaraxu ka dhacay, kadib markii Bombo uu watay ay ku qaraxday Askariga oo markaasi ku sugnaa hooygiisa, waxaana Dad goobjoogyaaal ah ay sheegeen in Qaraxu uu ka dhacay gudaha guriga iyadoo dadku soo sheegayaan in Bomboda ay ka mid ahayd hubka uu watay Askarigu.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay Wiil yar oo uu dhalay Askarigu, waxaana dhaawac halis ah uu soo gaaray hooyadii waxaana macquul ah in Khasaaruhu uu intaa ka badan yahay, iyadoo wararku intaa ku darayaan in Askariga uu haatan yahay dhaawac.

Jugta Qaraxa ayaa si weyn looga maqlay Xaafadaha iyo degmooyinka Muqdisho qaarkood, waxaana saakay goobta gaaray Ciidanka Dowladda oo sida la sheegay wada baaritaanno ku aaddan sababaha keenay in ay Qaraxdo Bomada Askariga, kuna Qaraxado gurigiisa.

Wararka qaar oo ay heshay Xorriya.com ayaa tibaaxaaya in Askeriga iyo qoyskiisa gaar ahaan walaalkii oo xilligii qaraxa dhacayay guriga ku sugnaa uu muran soo kala dhex-galay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email