Faahfaahin: Qarax xoogan oo qaraaso dimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Qeyta 21-aad ee milateriga Soomaaliya lagu qarxiyey duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Qaraxa ayaa haleelay Gaari ay la socdeen ciidamada dowladda degaanka Sinna-dhaqo ee Duleedka Dhuusamareeb, waxaana ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo ay ku dhinteen 2 askari, kuna dhaawacmeen 12 askari oo kale, lagana cabsi qabo in qasaaruhu intaas ka bato.

Ciidamada la qarxiyey ayaa ahaa kuwii Taliyaha qeybta 21-aad oo aanu isagu la socon, waxaana goobta gaaray ciidamo kale oo gurmad ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email