FAAHFAAHIN: Is-miidaamiye dad badan ku laayay maqaaxi ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo caawa lagu qaaday maqaaxi ku taalla wadadda u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka Muqdisho.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo is-miidamiyey ayaa galay Maqaaxida Gelato Divino oo lagu iibiyaa Jalaatadda Ice Cream-ka, wuxuuna isku qarxiyey dadkii halkaasi ku sugnaa oo shacab ahaa.

Qofka qaraxa geystay ayaa la sheegay inuu ahaa oday watay Khamiis oo maqaaxida isla markii uu galay dadka isku dhex qarxiyey, waxaana laga cabsi qabaa inuu qasaaraha sii kordho. Maqaaxidan ayaa u dhow Hoyga uu degan yahay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Qasaaraha dhimasha ee qaraxa ayaa gaaraya ilaa 7 qof, waxaana dhaawaca la sheegay inuu ka badan yahay 10 qof, waxaana goobta looga daad gureeyay gaadiidka gurmadka iyadoo la xiray goobta uu qaraxa ka dhacay.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email