Faahfaahin dheeri oo laga helay qaraxii lala eegtay wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday Wasiirka cusub ee Shaqada iyo shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax.

Qaraxa oo ahaa Miino loo dhigay Wadadda dhinaceeda ayaa lagu qarxiyey gaariga uu la socday Wasiirka, waxaana la xaqiijiyey inuu ka badbaady wasiirka oo aaan wax dhibaato ah kasoo gaarin, waxaana ku dhaawacmay qaar ka mida ilaalada Wasiirka iyo Gaariga oo waxyeelo gaartay.

Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa ah meel ay ciidamada dowladda ilaalo xoogan ka hayaan, wuxuuna qaraxan daba socdaa mid kale oo bishii hore lala beegsaday Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Muddane Koofi.