Duufaan caawa ku wajahan Puntland iyo dowladda oo digniin kasoo saartay

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka digtay duufaano cawaa ku wajahan Gobolka Bari ee Puntland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo 19-kii Bishaan ay dabeylaha ka bilaawdeen cidhifka Waqooyi ee Badweynta Hindiya. Dabeylahan oo xoogan kuna socda Xawaaro u dhaxeeya 95-110 Kiilo Mitir ayaa ku wajahan jihada waqooyi Bari ee Puntland gaar ahaan dhinaca dhulka Bari ee dhaca Xeebta u dhaxeysa labada Magaalo ee Boosaaso iyo Xaafuun ee Gobolka Bari, lana filayo inay ku dhufato inta u dhaxeyso 4:00 Galabnimo ilaa 8:00 Fiidnimo ee Caawa.

Dowladda soomaaliya waxaa ay sigaar ah ugu digeysaaa dhamaan Bulshooyinka kala duwan sida, Kalluumeysatada iyo dadka ku dhaqan hareeraha Xeebaha inay ka digtoonaadaan khataraha kusoo wajahan dhulka Xeebaha ah, waxaana ay ugu baaqeeysaa maamulada degaannada laga cabsi qabo inay duufaanta saameyso iyo dhamaan Hay’adaha gargaarka inay u diyaar garoobaan xaaladaha soo cusboonadaay, taageerana u muujiyaan bulshada ku nool degaannadaas”. ayaa lagu yiri qoraalka kasoo Baxay Wasaaradda.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email