Dunida oo Arbacada maanta ah isha ku heysa magaalada Maqale ee caasimadda gobolka Tigreey

Dunida ayaa Arbacada maanta ah isha ku heysa magaalada Maqale maadaama ay gabogabo tahay saacdihii ay xukuumadda Itoobiya u qabatay TPLF.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay dambiyo dagaal oo ay suuragal tahay in ay ka dhashaan dagaalka ay ciidamada dowladda Itoobiya ku doonayaan in ay ku qabsadaan caasimadda gobolka Tigray ee Maqale xilli uu gabogabo yahay waqtigii ay dowlladda u qabatay Kooxda TPLF in ay isku soo dhiibaan.

Hay’adda ayaa sheegtay in dagaal weyni uu qarxi karo marka ay ciidamada dowladdu ku dhawaaqaan howgalka ay kula wareegayaan magaalada Maqale.

Hadalka Qaramada Midoobay ayaa imanaya iyada oo Axaddii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu Kooxda TPLF ee ku sugan Maqale uu u qabtay in ay sadex cisho isku soo dhiibaan.

Kooxda Tigreega ayaa ku gacanseydhay baaqa dowladda iyaga oo sheegay in ay is difaaci doonaan ilaa iyo inta ay ka dhinanayaan.

TPLF ayaa iyadu arrinkaa iska fogeysay waxayna ku baaqaday baaritaan calami ah oo madax bannaan.

Hay’adda Amnesty International ayaa iyaduna markii ugu horreysay diiradda saartay wararka xasuuqa inkastoo aanay si dhab ah u sheegin cidda xasuuqaasi geysatay iyo tirada dadka la xasuuqay midna.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email