Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay qarixii is-miidaaminta ee Muqdisho iyo Alshabaab oo sheegatay

Wasaaradda Warfafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa war-saxafadeed kasoo saartay Qarax is-miidaamin ah oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

War saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa falkii waxashnimada ahaa ee argagaxisadu ay caawa ku bartilmaamadsadeen shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan“.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay qarax ku dhinteen 6 qof, halka 8 kale ay ku dhaawacmeen, iyadoo lagu bartilmaameedsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa caawa ka dhacay Muqdisho oo qof is-miidaamiye ah uu isku dhex qarciyey Maqaayad u dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho.


Ugu yaraan 7 muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay weerarkaasi halka 8 kalana ay ku dhaawacmeen sida uu xaqiijyay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.