Dowladda Soomaaliya oo saraakiil ciidan u dirtay magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa galabta gaaray wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska xooga Dalka Soomaaliyeed ee Danab gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Taliyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay saraakiisha ururka 5-aad ee kumaandooska danab oo ugu horeeyo taliyaha ururka 5-aad Carab Dheeg Axmed.

Taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska xooga dalka Soomaaliyeed ee Danab gaashaanle Beeryare ayaa bogoodiyay shaqada adag ee ururka 5-aad ka haayo deegaanada Jubbland.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa la filayaa in uu booqasho ku tago saldhigyada ciidamada Danab ee degaannada gobolka Jubbada Hoose si loo dardar geliyo howlgallada ay wadaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email