Dowladda federaalka oo Jubba Dhexe ku dilay sarkaal Shabaab ah iyo kooxdiisa

Taliska Ciidamada Militariga ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyay gobolka Jubada dhexe ayay ku dileen sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan jabhadaha oo ah koox inta badan ay u adeegsadaan weerarada ay ka fuliyaan dalka.

Howlgalka ayaa ciidanka kumaandooska waxay ka fuliyeen degaanka Caraboow oo qiyaastii 50-km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe halkaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen sarkaalka iyo 6 dagaalame oo ka tirsan Shabaab, iyagoona dhamaantooda la toogtay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kumandooska Soomaaliya

Sarkaalka ciidanka kumaandooska xoogga dalka ay dileen ayaa waxaa lagu magacaabaa Xasan Sufiyaan Qooreey waxaana uu ahaa sarkaalka guud ee Shabaab ama u qaabilsan Jabhadaha.

 
Ciidanka xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada qorsheeysan ee ay ku beegsanayaan saraakiisha iyo dagaalamayaasha ka tirsan Al Shabaab

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email