Diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha Hirshabeelle & ku xigeenkiisa oo bilaabatay

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa Maanta oo Axad ah ka bilaabatay diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa, iyada oo musharixiin la diiwaangeliyay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Xildhibaan Caaisho Khaliif Xaaji Maxamed aya Guddoonsiiyay Shahaadada Diiwangalinta Maxamed Maxamuud Cabdulle (M dheere) oo u sharaxan Jagada Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle.

Sidoo kale Guddiga oo weli wada howlaha diiwangelinta ayaa waxaa la filayaa inay diiwaangeliyaan musharixiin kale oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa.

Maalinta Berito ah Gelinka dambe ayaa waxaa la soo geba-gabeyn doonaa diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa, iyada oo Maalinta Arbacadaha ahna ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email