Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka billaabatay deegaanada Somaliland

Wajigii koowaad ee diiwaangalinta codbixiye-yaasha Somaliland ayaa shalay oo Axad ahayd ka bilaabantay gobolka Awdal iyo degmooyin kale, waxaanay goobaha ay shalay ka billaabantay diiwaan -galintu socon doontaa ilaa labada bisha December ee soo socota.

Diiwaan-galintan ayaa looga dan leeyahay sidii ay Kaararka cod-bixinta u qaadan lahaayeen dadkii aan hore isku diiwaan galin iyo dhalinyarada qaan gaarka noqotay intii ka dambaysay doorashadii madaxtinimo ee bishii November, sanadkii 2017 ka qabsoontay Somaliland.

Gudiga doorashooyinka Somaliland ayaa gobollada iyo degmooyinka u qorsheeyay in ay diiwaan galintani ka socoto qayb kasta muddo 4 maalmood ah.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email