Diblumaasiyiin ku dhaawacmay qarax ka dhacay Sucuudiga

Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay qarax shalay ka dhacay goob lagu xusayay dagaalkii koobaad ee adduunka, munaasabaddan oo lagu qabtay magaalada Jiddah ee Sucuudiga ayaa waxaa soo qabanqaabisay safaaradda Faransiiska ee Sucuudiga, waxaana ka qeybgalay diblumaasiyiin reer Yurub ah.

Safaaradaha Faransiiska, Giriigga, Talyaaniga, UK iyo Mareykanka waxay sheegeen in qarax lagu soo tuuray qabuuraha ay ku aasan yihiin dadka aan muslimka aheyn ee Jiddah halkaas oo xuska lagu qabanayay.

Bayaan ay soo saareen ayay ku tilmaameen weerarka in uu ahaa “Mid fuleynimo ah

Mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay xaqiijiyeen in shaqaale ka tirsan qunsuliyadda Giriigga ee Sucuudiga uu ku dhaawacmay weerarka.

Halkq isda la sheegay in qof u dhashay Britain uu isna dhaawac soo gaaray.

Maamulka gobolka Maka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay bilaabeen baaritaan ku saabsan weerarka.

Xigasho: Bbc

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email