Dhacdo dad badan ay ka argagaxeyn oo ka dhacday degmada Waajid ee gobolka Bakool

Wararka ka imanaya magaalada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu laayay qoys shan qof ka koobnaa iyo martidoodii.

Weerrarka ayey ehellada dadka la laayay waxa ay sheegeen in la gaystay xalay saqdii dhexe, halkaas oo dhammaan dadkaasi lagu laayay.

Dadka la dilay waxaa ka mid ah saddex carruur ah iyo labo haween ah.

“Xalay markii ay 8 saac ahayd ayaa la soo weeraray, gabadha iyo saddex caruur ah oo ay dhashay waa la dilay”. ayuu yiri Cali nuur Cali Cadhood oo ah aabaha dhalay gabadha, ninkeeda iyo carruurteediiba la laayay isagoo jooga qabrigii lagu aasayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay xalay weerarkaas ku qaadeen gurigaan ku yaalla degmada Waajid, halkaasi oo ay ku dhinteen toddobada qof.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray hooyo iyo aabe, iyo caruurtooda, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka oo cambaareeyey weerarkan lala beegsaday shacabka.

Xigasho: Voa

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email