DEG DEG: Qarax xooggan oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM4.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga Gelato Divino oo ah goob maqaaxi oo laga cunteeyo, kana soo horjeedo Sahal Terminal.

Nin jaakad wata ayaa isku qarxiyay maqaayada jalaato De Vino oo kutaal wadada laga galo garoonka diyaaradaha Ee Adan Cade, maqaayada ayaa ah mid inta badan dadku isugu yimaadaan.

Khasaare kala duwan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxa.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa ah goob dhalinyarada aad ugu badan yihiin, sidoo kale waxaa ka ag dhow Koontaroolka koowaad ee laga sugo amniga Garoonka diyaaradaha.


Khasaaraha ka dhashay qaraxaan wali ma cada balse wixii kusoo kordha wararkeena ayaad kula socon doontaan..