DEG DEG: Qarax xoog leh oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay magaalada Muqidsho, gaar ahaan agagaarka Dugsiga Sare ee Booliska Jeneraal Kaahiye.

Qarax oo ahaa mid xoog leh ayaa wararkii ugu horeeyay sheegayaan inuu ka dhacay Baar u dhow xarunta Booliska Jeneraal Kaahiye, iyadoo qaraxa uu geystay qof is-miidaamiye ahaa, waxaana jira qasaare kala duwan oo qaraxa ka dhashay..

Ciidamada Amniga ayaa xiray goobta qaraxu ka dhacay, waxaana socda gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeeloobay.