Dagaalkii ugu cuslaa oo hadda ka socda meel maqale u jirta 30-KM iyo xaaladda oo faraha kasii baxeysa

Dagaalkii ugu cuslaa ayaa hadda ka socda magalada Wukro oo 30-KM ama qiyastii 1 saac woqooyi ka xigta Maqale.

Ciidanka TPLF oo dufeysyo adag hore uga qoteen Wukro ayey Ciidanka Abiy mari layihiin, ayagoo durba bilaabay inay madaafiic culus ku garacaan sida BMka ridada dheer, taangiyada gudaha magaalada Wukro, oo aan sidaa uga fogeyn Maqale.

Ciidamadda dowladda dhexe ee Itoobiya oo ay wehliyaan diyaaradaha qumaatiga u duula ee Drones-ka ayaa waxay si buuxda uga dagalamayaqn jiida hore ee dagaalka, xoogaga TPLF ee difaacaya Wukro.

Iyadoona haddii lasoo jiiro ciidamadda TPLF ee Wukro, waxay noqonaysaa in laysla soo galo caasimada Maqale, labada ciidan midkood ayaa reerka u hari doono haddii Maqale la isla soo galo.

Dhanka kale waxaa la sheegaya in lagu duqeynayo diyaradaha dagaalka magaalada Maqale nawaaxigeeda si aan naxariis lahayn, idaacada dowlada Itoobiya ee EBC ayaa baahisay in Kaabayaasha dhaqaalaha, warshadaha, matxafyada, hotelada iyo guryaha shacabku daganyihiin aan la bartilmaameedsaynin sida ay sheegtay EBC, maxaa yeelay waxay rumeysan yihiin in mas’uuliyiinta TPLF ay gabaad ka dhiganayaan meelahaas oo ay rabaan inay galaaftaan dadka rayidka.

Ciidamada Difaacu waxay awood buuxda u adeegsan doonaan magaalada Maqale.

Waxaa laga cabsi qabaa suurtagalnimada iney dhacaan xadgudubyo halis ah oo ka hor-imaanaya sharciyada xuquuqda aadanaha ee caalamiga.