Daawo: Tawaangida Azerbaijan oo 27 sano kaddib galay Degmada ka tirsan Nagorno-Karabakh

Ciidamada Azerbaijan ayaa galay Degmada Aghdam ee gobolka Nagorno-Karabakh kaddib 27 sanadood oo ay haysteen ciidanka Armenia, sida ay ku dhawaaqday Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi.

Ciidamada Armenia ayaa haystey 77% oo kamid ah degmadaasi tan iyo 1993-kii, iyagoo xoog ku barakiciyey 200,000 oo Azerbaijani ah.

Armenia ayaa sidoo kale ka bixi doonta Degmada Kalbajar oo iyaduna ka tirsan Nagorno-Karabakh 25-ka bishbn November, halka ay Degmada Lachin ka baxayso 1-da bisha December isla sanadkaan. Waxaa la arkayey dadka Armenian-ka ahaa oo halkaa gawaari uga qaxaya Khamiistii shalay oo ahayd maalintii ugu dambeeysey halkaasi.

Labada dal oo ilaa horraantii 90-meeyadii halkan isku hayey ayaa dib dagaal uga dhex qarxey 27-kii September. Azerbaijan ayaase xoraysatay 5 magaalo oo waawayn, afar dhexaad ah iyo 286 tuulo, kahor intaanay 10-kii November heshiis ku gaarin dalka Ruushka, iyadoo ay Armenia oo garowsatay in aysan u babac dhigi karin awoodda Azerbaijan ay go’aansadeen inay ka baxaan dhulka ku harsan.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email