DAAWO: Joe Biden oo ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Mareykanka

Musharixii Xisbiga Dimoqraadiga ee Doorashada Mareykanka Joe Biden ayaa hadda lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay Doorashada Madaxeynaha dalka Mareykanka.

Natiijadii ugu dambeysay ee tirinta cododka ayaa muujineysa inuu Biden helay codadkii uu u baahnaa si uu u noqdo Madaxweynaha cusub ee bedelaya D. Trump oo 4 sano xukumayey dalkaasi.

Natiijadii ugu dambeysay ee la helay ayaa muujineysa inuu Joe Biden ku guuleystay 273 cod markii uu guuleystay Gobolka Pennsylvania, waxaana sidaasi hadda shaaciyey TV-yada NBC iyo CNN.

Joe Biden ayaa noqonaya Madaxweynihii 46-aad ee Mareykanka, waxaana saadaalinta Warbaahinta Mareykanka ay xaqiijisay in Biden uu si buuxda ugu guuleystay codadkii Gobolkaasi uu loogu baahnaa inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee Mareykanka.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email