Cumar finish oo luuqad adag kula hadlay siyaasiyiinta muraacad

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed Finish ayaa si kulul iyo luuqad adag ku hadlay galabta, isagoo u jawaabay Musharixiinta xilka Madaxweynaha ee maanta Muqdisho kasoo saaray War-murtiyeed ku saabsan Doorashada dalka.

Cumar finish ayaa ku dooday in xukuumadda Soomaaliya ay tanaasul sameysay si doorasho u dhacdo, xaqna u leedahay sida uu yiri inay magacawdo Guddiga Doorashada sida xukuumadii hore, wuxuuna soo daliishaday Aayad qur’aan ah oo ka hadleysa mufaaqifiin uu Alle amrayo in la dili doono.

Maanta in nagula handado Anigu hawiye ayaan nahay Qori ayaan soo qaadneynaa.. sax miyaa/ dhinaca kale fiiriye Maxamed Xuseen Rooble Hawiye ma aha miyaa? Ra’iisal wasaare sow maaha..? Guddoomiyaha Gobolka ayaan ahay Gobolkan mas’uuliyadiisa iyo Amnigiisa aniguu i saaran yahay.. anigu Hawiye ma ahi miyaa duurka miyaan ka imid…?” ayuu yiri Cumar Finish oo ay caro ka muuqato.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa warkan ka jeediyey shir uu Maamulka Gobolka soo abaabulay, oo Muqdisho ka dhacay galabta.

Halkaan hoose ka daawo qudbadii kululeed ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish.

https://www.facebook.com/530544080611713/posts/1349595162039930/