Cumar Finish oo dhagax dhigay waddo muhiim ah oo isku xirta laba degmo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Maanta dhagax dhigay dhismaha wado xiriirisa isgoysyo ku yaalla degaamoyin ka tirsan Gobolka.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa dhigay dhagaxa dhismaha bilowga ah ee wadada Jaale Siyaad oo xiriirisa isgoysyada Korontada iyo Xoosh ee degmooyinka deriska ee Dharkeenley iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa shacabka ku dhaqan Dharkeenley iyo Wadajir kula dar-daarmay in ay ka qeyb qaataan dhismaha wadada oo aan helin dayactir 30-kii sano ee la soo dhaafay, isla markaana muhiim u ah isku socodka gaadiidka.

Munaasabada dhagax dhiga ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyeyaasha Dharkeenley iyo Wadajir, qeybaha kala duwan ee degmooyinkaas iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email