Ciyaaryahankii caanka ahaa ee reer Argentin Diego Maradona oo geeriyooday

Ciyaartooygii caanka ahaa ee reer Argentin Diego Maradona ayaa geeriyooday isaga oo ay da’diisu tahay 60 jir.

Diego oo dalkiisa Argentina ugu ciyaari jiray dhanka weerarka ahaana maamulaha kooxda qaranka ayaa waxa lagu guuleystay bishan November qalliin dhanka maskaxda looga sameeyay.

Waxaa uu ahaa mid ka mid ah ciyaartooyda ugu wanaagsan ee caalamka soo marta sanadihii sideetameyadii.

Maradona waxaa uu ahaa Kabtanka kooxda qaranka markii sanaddii 1986 koobka aduunka uu ku guuleystay dalkiisa Argentin.

Waxaa xilligaa shaqsi ahaan lagu tilmaamay in uu gacan wayn ka geystay guusha uu dalkiisa gaaray.

Intii uu xirfadda ku jiray waxaa uu sidoo kale u dheelay kooxaha Barcelona iyo Napoli.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email