Ciidamada nabad sugida Galmudug oo gacanta ku dhigay nin miino aasayay

Ciidamada Nabad Sugida Galmudug gaar ahaan kuwa ka Howlgalla Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb ayaa waxaa la sheegay in howlgal ay sameeyeen ay ku fashiliyeen qarax lagu Aasayay meel kamid ah Magaalada Dhuusmareeb.

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaan oo aha Miino la qabtay Nin ku Aasayay hareeraha wadao dhex-marta Magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan Suuqa jaadka lagu iibiyo sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen Ninkii miinada aasayay.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaar kamid ah Haweenka jaadka iibinayay ay arkeen Ninka miinada Aasayay sidaasina ay Ciidamada ugu wargeliyeen, waxaana Ninka la qabtay la geeyay xarun Ciidamada Nabadsugida ku leeyihiin Magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa waxaa ay kamid aheyd meelaha ugu amniga wanaagsan degaannada Galmudug, hayeeshee labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhacayay falal amni darro, iyada oo mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ay sheegeen inay ka hortagayaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email