Ciidamada dowladda Itoobiya oo la wareegay magaalooyin muhiim ah

Jimcihii dowladda waxay sheegtay inay ciidamadeed ay la wareegeen magaalooyinka Aksum iyo Adwa.

Dowladda ayaa sheegtay in xooggagii kula dagaalamayay magaalooyin kaasi “ay is dhiibeen“.

Hasa yeeshee, sheegashadaasi ma jirto cid madaxbanaan oo xaqiijin karta, maadaama isgaarsiinta iyo internet-ka gobolkaasi uu toddobaadkii labaad uu go’an yahay.

Magaalada Aksum ayaa ah mid ka mid ah magaalooyinka ugu waawayn gobolka Tigrey, halka magaaalada buuraleyda ah ee Adwa sidoo kale lagu tilmaamay magaalo istaraatiji ahaan muhiim ah.

Horraantii toddobaadkan ciidamada dowladda dhexe waxay la wareegeen magaalooyinka Shire iyo Raya.

Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ciidamadiisa ay imika kusii siqayaan caasimadda Tigrey ee, Mekelle.

Dowladda Itoobiya ayaa ilaa iyo iminka diidan baaqyada ku saabsan in labada dhinac ay khilaafkooda wadaxaajood ku dhameeyaan.

Dagaalka iminka socda ayaa ka dhashay xissadda muddo dheer ka dhex-taagnayd labada dhinac.

Qaramada Midoobey ayaa doonaysa in la sameeyo tub gargaarka bina’aadanimo loo mariyo dadka uu saameeyay dagaalka labada toddobaad u dhaxeeya Militariga fedaraalka Itoobiya iyo xoogagga Tigrey.

Hey’adaha gargarka ayaa ku baaqaya in sida ugu dhaqsiyaha badan si kumeel gaar ah xabadda loo joojiyo gobolka Tigrey si ay u suragasho in la gaaro dadka rayidka ah ee uu dagaalka saameeyay.

Boqollaal qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dagalada ka socda Itoobiya, walow aan tiro rasmi alhayn madaam daagalka weli socda.