Ciidamada dowlada oo dilay horjooge ka tirsan Al Shabab

Taliska Ciidamadda Xoogga dalka ayaa shaaciyey in howlgal qorsheysan lagu dilay horjooge ka tirsan Al Shabaab iyo ilaaladii la socotay.

“Ciidanka kumaandooska oo ka war hayay in habeenimadii Sabtida sarkaalka iyo Xubnaha la socday soo gaareen Sablaale ayaa howlgal qorsheeysan ka fuliyay degmadaasi iyagoona ugu galay gurigii ay kajoogeen sablaale islamarkaana goobti kuwada toogteen Sarkaalka iyo tobankii xubnood ee la socday.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska Milateriga.

Horjoogaha Al Shabaab ee howlgalka lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Mucaad Dheere oo la sheegay inuu Al Shabaab u qaabilsanaa gobolada Jubooyinka ee maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay khaarijisay taliye ku xigenkii Ciidamada Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho, markii Gaari uu la socday la qarxiyey, waxaana taliye xigeenka lagu magacaabo jiray Cali Xuseen.